Dabley Weerartay Saldhigga Dhexe ee magaalada Boorama iyo Taliska Guud ee Booliska oo ka hadlay

Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige

 

Hargeysa (SLpost)- Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar dabley hubaysani subaxnimadii hore ee Saaka ku qaadday Saldhigga Booliska ee magaalada Borama ee Xarunta gobolka Awdal.

Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka dableydu ku qaadday Sadhigga Dhexe ee magaalada Boorama oo ay rasaas isku weydaarsadeen Ciidanka Booliska ee Saldhigga ku sugnaa.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Cige oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sharraxay sida ay Ciidanka Boolisku uga hortageen weerarka, waxaanu sheegay in Ciidajku Iska caabbiyeen Dableyda isla markaana baacsadeen una baxsadeen dhinaca Xuduudka dalka Ethiopia, iyagoon wax khasaare nafeed ahi ka dhalan rasaasta lays weydaarsaday.

“Saaka wakhtigii Salaadda koox yar oo qas-wadayaal ah ayaa rasaas ku soo riday Saldhigga Dhexe ee Boorame, Ciidamada Booliska ayaa si geesinimo leh uga hortagay, nimankii eryaday ilaa ay galeen Xuduudka Ethiopia,” Sidaas ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka Booliska oo markii u horeysay la hadlay saxaafadda tan iyo markii xilkaas loo magacaabay todobaadkii hore.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com