Dabley Weerartay Guriga Badhasaabka Awdal Ee Boorama

 

Boorama(SLpost) – 2 ka mid ah ilaalada badhasaabka gobolka Awdal ayaa dhintay kadib markii dablay hubaysani soo weerartay gurigiisa oo ku yaala magaalada Boorama.

 

Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa BBC-da u sheegay in abaarro 3:30kii gurigiisa la soo weeraray islamarkaana ay difaaceen ilaaladiisa, kadibna dablaydu u carartay dhinaca Xuduudka Itoobiya oo aan ka fogayn magaalada Boorama, waxaanu sheegay in halkaasi ciidamada Ammaanka Somaliland ay ku baacsadeen dablaydaas.

 

Ma jiro warar faahfaahsan oo ka soo baxay khasaaraha weerarkaasi, balse badhasaabka Awdal waxa uu sheegay in kooxda weerarka fulisay uu filayo inay ka tirsan yihiin kooxda Suldaan Wabar hogaamiyo ee xuduudka Ethiopia iyo Somaliland.

 

Somaliland iyo Ethiopia ayaa dhawaan Diridhaba ku kala saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo nuxurkiisu ahaa inaan dalna marti galin ama ogolaan in dalkiisa ay joogaan cid ka soo horjeeda dalka kale. Ethiopia ayaa heshiiska ku saxeexday inaanay ogolaan doonin in ciideeda ay joogaan cid Somaliland ka soo horjeeda, halka Somaliland aanay ogolaan doonin cid ka soo horjeeda Ethiopia, balse kooxda Wabar oo u talowda dhinaca Ethiopia waa ta lagu tijaabin doono heshiiskan labada dal.

 

Boorama waxaa ka socda ciyaaraha gobolada Somaliland wajigooda koobaad ee isreebreebka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin madaxda gobolada iyo ciyaartoyga gobolada Maroodijeex, Saaxil, Salal,Gabiley, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd iyo madax kale oo qaranka ka tirsan.