Dabley caruur iyo hooyadood ku diley miyiga gobolka Mudug

Somalia (SLPOST) Rag dabley ah oo aan weli si rasmi ah  la aqoonsan ayaa xalay saqdii dhexe, waxay caruur iyo haween ku dileen miyiga deegaanka Godod ee gobolka Mudug.

mayd

Laba caruur ah oo ka yar da’da 8 sano iyo hooyadood ayaa dableydu ay ka toogteen madaxa iyo wadnaha, sida uu sheegay taliyaha booliska deegaanka ee Puntland.

“10:00 fiidnimo ee xalay ayaa falku dhacay, waa la dilay caruurta iyo hooyadood, gurigana dadkii waa waynaa ma joogin oo waa laga maqnaa.” Ayuu yidhi Xasan Kaafi oo ka tirsan Booliska Gobioloka Mudug.

 

Taliyaha booliska deegaankaas Xasan Kaafi Muuse, wuxuu saxaafada u sheegay in falku ka dhacay miyiga deegaanka oo dhanka bari kaga beegan xaruunta gobolka Mudug, ragga wax dilay ayaa gubay guri meesha ku yaalay.

Arintan ayaa loo badinayaa inay salka ku hayso aano qabiil oo hore u jirtay, taliye Xasan Kaafi Muuse ayaa ku eedeyey malayshiyo ka soo jeeda Galmudug inay falkaas geysteen.

Maamulka Galmudug ayaa falka xalay dhacay canbaareyey, gudoomiyaha gobolka mudug ee maamulkaas Aways Cali  Siciid wuxuu dilka caruurta iyo hooyadood ku tilmaamay mid laga noxo isagoo tacsi u diray eheladii dadka geeryooday.

Ugu dambayn, taliyaha ayaa ku baaqay in dadka birimagaydada ah aan la layn oo faraha laga qaado, dilalka qorshaysan ee aanada iyo siyaasada la xiriira ayaa awal ku koobnaa ragga garmadowda ah, balse falalka noocaan oo kale ah ayaa dhowr jeer ka dhacay Mudug

SOMalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland