Dab Ka Kacay Rash Munaasabad Xus Laga Riday Oo Sababay Dhimashada 100 Qof Dalka Hindiya

Hindiya(Slpost)-Qarax iyo dab ka dhashay waxyaabaha la rido marka la dabaaldagayo ayaa ugu yaraan 100 ruux ku dilay macbad ku yaala gobolka Kerela ee dalka Hindiya sida ay booliisku sheegeen.
Dabrid kan ayaa loogu dabaaldagayay sanad cusub oo halkaas oo looga dabaaldago.
Qaraxa halkaasi ka dhashay ayaa sababay in uu dumo macbadkii arrintaas oo sababtay geerida inteeda badan.
In kabadan 200 oo ruux oo ayaa ku dhaawacantay halkaas.
Saraakiil dawladda ka tirsan ayaa sheegay in aysan siinin ogolaansho ay ku isticmaalaan dabrid kaas, iyaga oo ka baqaya in ay khatar ka timaaddo.
Rai’sal wasaaraha Hindiya ayaa u socdaalaya goobta uu dhibku ka dhacay oo ku taala magaalo xeebeedka Paravur.
Shilkan ayaa dhacay ammin habeen ah, boqolaal dad ah ayaana subaxii tagay iyaga oo baadigoobaya qaraabadoodii.
Gurmadka dagdaga ah ayaa adeegsanaya cagacagafyo waawayn si ay burburka dhismaha u qaadaan.
Dadka dhaawacmay badankood aad ayay u liitaan, waxaana lagu dawaynayaa kuuliyad caafimaad oo ay dawladdu leedahay.
Dhakhaatiirta takhasuska leh ayaa laga soo diray Delhi, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan dad uu jidhkoodu aad u gubtay.