Dab Ka kacay Badhtamaha Hargeysa oo Ciidanka Dab-demisku Damiyeen + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaystay inay damiyaan Dab ka kacay barxada hore ee Mall-ka Durdur Business oo ku yaalla ka soo horjeedka Aqalka Shaqaalaha ee badhtamaha Hargeysa.

Dabka oo ka kacay Dhisme Jiingd ha oo ku taalla barxadda hore ee Mall-ka, ayaa la sheegay inuu Koronto ka dhashay, waxaana isla markiiba goobta soo gaadhay Ciidanka dab-demiska oo xaruntoodu ku taalo meel ka fogeyn goobta dabku ka kacay.

Goobta dabku ka kacay oo loogu talo-galay Ilaalada Mall-ka Ganacsi, waxa dhinaciisa yaallay Gaadhi noociisa yahay V8 oo dabku khatar galay. Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay.

Advertisement

Ciidanka ayaa badbaadiyay Ka hortagay inuu dabku waxyeello gaadhsiiyo Gaadiid, Ganacsiyo, huteelo iyo goobo waxbarasho oo ku yaalla dhismaha Mall-ka Durdur Business, kaas oo ay ku yaallaan dhismayaasha Deero Mall, Carro Edeg hotel, Sahan Books iyo Jaamacada Gollis.

Follow us On