Daawooyin loo helay kansarka naasaha

UK(Slpost)-Dhaqaatiirta Britain ayaa sheegay inay tijaabiyeen, laba daawo oo yarayn kara ama baabi’in kara kansarada qaar ee ku dhaca naasaha kow iyo toban maalmood.

Daawooyinka Lapatinip iyo Herceptin ayaa beegsada kansarka leh borotiinka loo yaqaan HER2

.

Daawooyinka ayaa lagu tijaabiyay in ka badan laba boqol iyo konton dumar oo qaba kansarka leh borotiinka HER2.

Kow iyo toban maalmood ka dib kansarkii ayaa hoos u dhacay bukaanka qaarkood, kow iyo toban boqolkiiba bukaankana waa baabi’iyay.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay waxa ay heleen hadii tijaabooyin dheeraad ah lagu sameeyo, inay micnaheedu tahay in dumarka qaar aysan u baahnaan doonin Chemotherapy oo aad u xanuun badan.