DAAWO – Wefti Ka socda Shirkad Lagu Wareejinayo Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera oo Maanta Dalka Yimi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay weheliyaan saraakiil ka socota shirkad caalami ah, ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Labada Wasiir iyo weftiga la socday oo ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ugu horeyn ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo weftigu ay soo indho-indheeyeen Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, waxaanay markii dambe ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Guud iyo Ciyaaraha.

Wasiirrada Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo waraahinta ugu warray madaarka Cigaal International Airport, ayaa sheegay inay la socdaan shan sarkaal oo ka socda shirkad lagu magacaabo VETOL oo laga leeyahay dalka Ingiriiska taas oo sida uu sheegay doonaysa inay maal-gashi ku samaysay Dekedda Berbera iyo Haamaha Keydka Shidaalka.