Daawo Sawirrada Safarka BUUR iyo BANNAAN ee weftiga Madaxweynaha oo maalintii Saddexaad galay iyo Soo-dhawayntii degmooyinka Sallaxley iyo Sabawanaag

SABAWANAAG (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo labadii maalmood ee u dambeeyey socdaal BUUR IYO BANNAAN loogu magacdaray ku marayey gobollada Galbeedka iyo deegaannada ku koofureed ee ku teedsan xuduudka dalka Itoobiya, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanno hoos-yimaadda degmada Sabawanaag oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.

Madaxweynaha oo shalay ka amba-baxay gobolka Hawd oo uu habeennimadii ku hoyday, waxa uu soo dhawayn ballaadhan kala kulmay shacabka ku dhaqan degmada Sabawanaag iyo tuulooyinka hoos yimaadda sida Hara-sheekh, daba-gorayaale, ka hor intii aanu isla maanta u bixin gobolka Daad-madheedh.

IMG_8442Madaxweynuhu waxa uu isla maanta sii maray deegaanno hoos yimaadda gobolka Daadmadheedh halkaas si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, halkaas uu mashaariic hor leh ka dhagax-dhigay, ka hor intii aanu isla maanta u gudbin gobolka Togdheer, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xuduudka Itoobiya, waxaanu isla caawa ku hoyday degmada Balidhiig ee gobolka Togdheer.

DAAWO SAWIRRADA SOO-DHAWAYNTA MADAXWEYNAHA