DAAWO SAWIRRADA 28 Qof oo Kooxda Al-Shabaab ku Dishay Gudaha Kenya iyo Qaabkii Weerarku u dhacay

Nairobi (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegay masuuliyadda weerar shalay subaxnimadii gudaha dalka Kenya loogu geystay dad shacab, kaas oo lagu ilay 28 qof Rakaab ah oo saarnaa bas u ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi Kenya.

tMalleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ka tagay magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi-Bari Kenya ee Soomaalidu ku dhaqan tahay, kaas oo sida la sheegay kooxo hubaysani ka leexiyeen jidkii uu marayey, ka dibna dadkii ay u kala saareen Muslim iyo kuwo aan muslim ahayn, dabadeedna toogasho ku billaabay kuwii aan muslimka ahayn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.

Sida lagu baahiyey warbaahinta xidhiidhka la leh kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere, ayaa lagu sheegay inay dagaal-yahannadoodu fuliyeen weerarka dadka badan lagu laayey oo uu ku micneeyey mid ay ugu aar-gudayeen dhibaatada dadka muslimiinta ah loogu geysanayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

aWeerarkan ayaa ku soo beegmay xilli dawladda Kenya hawl-gallo dad muslimiin ah dhibaatooyin loogu geystay ka fulisay masaajiddo ku yaala magaalada Mombasa, kuwaas oo ay sheegtay in laga soo abaabulo falal ka dhan ammaanka dalkooda.

Weerarka kooxda Al-Shabaab ku dishay muwaadiniinta u dhashay Kenya, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Jilicow oo masaafo ahaan 30 KM dhinaca Bari ka beegan magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sarkaal u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 28 qof lagu dilay weerarkaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo dadkii buska saarnaa intooda badan macallimiin wax ka dhiga iskuullada magaalada Nairobi.

b2Saraakiil ka tirsan dawladda Kenya hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dabley soddomeeyo qof ku dhow oo aad u hubeysan, kuwaas oo dadkii saarnaa gaadhiga ay kala sooceen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimka ahayn, iyadoo rakaabka ka dalbanayay inay akhriyaan Aaydaha Qur’aanka oo ay ku kala saarayeen kuwa Muslimiinta ah iyo kuwa kale.

Weerarkan, ayaa noqonayaa kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa weerarro kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalka Kenya labadii sanno ee u dambeeyey, ka dib markii sannadkii 2011 cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo ilaa wakhtigaas ku sugnaa deegaamo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

b3Sannadihii u dambeeyey waxa gudaha dalka Kenya ku soo badanayey wareerada qorsheysan oo lagu eedeyo inay ka dambeyaan xoogagga Al-Shabaabka ee ka dagaallamo Somaliya kadib markii 16- October- 2011, ay ciidamda dowlada Kenya gudaha u galeen Somaliya. Waxaana weeraradaas ka mid ahaa Weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate ee magaalada Nairobi 21-dii September 2013 oo ay ku dhinteen 71 qof, kuna dhaawac-meen dad ka badan 175 qof.

d r b