Daawo Qaabkii ay u dhasheen Rikoodheyaashii Ciyaartii maanta ee xulalka Hawd vs Daadmadheedh

 

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee gobollada Somaliland oo galay wareegga Seminal-ka, waxa maanta garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ka socda kulan xiiso leh oo dhexmaraya Xulalka gobollada Hawd iyo Daadmadheedh oo kooda soo baxaa u gudbayo Finalka Tartanka.

Labada Xul ee Hawd iyo Daad-madheedh oo ka mid ah Xulalka ugu adag ee sannadkan ka qayb-qaadanaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo Semi-final maraya, waxa ay labadoodaba u halgamayaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen kulanka maanta si midkood ugu gudbo Finalka tartanka.

Laba xul ayaa isku mari waayey natiijo gool la’aan ah wakhtigii caadiga ahaa ee ciyaarta loogu talo-galay oo aanu midkoona gool keensan, waxaana lagu daray wakhtiga dheeriga ah ee Sharciga kubadda Cagta oo 30 Daqiiqo ah.

Haseyeeshee, laba kooxood midkoodna ma keensan wax gool ah, waxaanay ciyaartu u gudubtay Gool-ku-laadasho (Rikoodheyaal).