Daawo Nuxurka Khudbad Madaxweyne Biixi ka jeediyey Xaflada xidhitaanka Barnaamijka Shaqo-Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo gunaanadkii munaasibadka ka hadlay, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran.