Daawo:-Ninka Ugu Gaaban Caalamka Oo 22 Sanadood KadiB Guursaday

Delhi, (SLpost):- Ninka ugu gaaban dunida oo lagu magacaabo, Pramod Kumar, ayaa guursaday haweenay nolosha la qaybsata, waxaanu guurka lamaanihiisa noloshu ka danbeeyay baadi doon dheer oo muddo 22-sanadood ah uu ninkaasi ku raadinayay haweenay ogolaata.

Pramod Kumar oo dhalashadiisu Hindi tahay, ayaa loo aqoonsaday qofka ugu gaaban dunida, ka dib markii dherarkiisu noqday hal dhudhun ama laba Feet, gabadha uu guursaday oo lagu magacaabo, Poonam Devi, oo 33-jir ah ayaa dherar ahaan ku laba jeer laabmaysa.