Daawo Muuqaallada Guud iyo Jewigii Shirka Madaxweynaha iyo Ergada Nabadeynta Gobolka Sanaag

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergada Nabadaynta Gobolka Sanaag iyo Dhexdhexaadinta Jabhadda Caarre iyo xukuumadda, waxaanay is Af-garad buuxa ka gaadheen soo af-jaridda arrinta Buuraleyda Woqooyi ee Gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada, kulanka oo ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada, waxa ay labada dhinac dhinac isla qaateen in si degdeg ah loo soo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda Woqooyi ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre.

War-qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo. Islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo  ciidamada ku sugan halkaas  ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta,  ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu  madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka qaranka.