DAAWO Muuqaal Cajiib ah oo Muujinaya Sida loo Dhisay Intii ugu Adkayd Jidka DAWCAD oo Hargeysa ku xidhaya Xeebaha Galbeedka dalka (105KM)

DawgacadWaa dariiqa ugu adag uguna hawsha Badan ee bulsho Somaliland ahi deegaankeeda ka hirgalinayso

Hargeysa (SLpost)- Waddada Dawgacad oo too sugu xidhaysa caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo nawaaxigeeda Badda Bas ee xeebta Somaliland ayaa waxa ay xeebta qofkii caasimada ka baxa ku geynaysaa badda 105KM taas oo ka dhaw badda dhanka Berbera. Sidoo kale waxa ay si weyn iskug uxidhmayaan labad wad ee Baligubadle , Salaxley iyo Hargeysa oo mustaqbalka si toosa iskugu xidhaysa Kiilka 5aad ee Somaliad Itoobiya iyo xeebta iyadoo dariiqyadaasi Hargeysa ku soo xidhayaan.

Bulshada Somaliland ee deegaamda Hargeysa iyo Hawdka ayuu dariiqani u yahay mid mustaqbal weyn u leh helista helin ka dhow ka Berbera oo si sahlan xeebat ugu xidhi kara. Sido kale waxa muuqda mustaqbal dhanka ganacsiga ee dalxiiska taas oo haddii deegaanka Ceel Sheekh la horumariyo noqon kara mid dhaqaalaha deegaanku kor u kaco. Sidoo kale Dawgacad waxa uu dhanka xeebta ku xidhayaa si sahlan Hargeysa iyo dalka intiisa Barri magaalada Saylaca iyo dalka Djibouti.