DAAWO – Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo Gaadhay Dalka Turkiga iyo Faahfaahinta Kulamo ay la qaadanayaan Raysal-wasaaraha Dalkaas

TurkigaIstanbul (SLpost)- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayo ayaa si rasmiya u cago dhigtay garoonka diyaaradaha ee magaalada qadiimiga ah ee istaanbuul.

Halkaas oo uu Madaxweynaha iyo weftigiisu ay habeenkii xaly ka waxaana madaxweynaha ku qaabilay kuna soo dhaweeyey garoonka masuuliyiinta wadanka turkiga, waxaana weftiga madaxweynaha la dejiyey hotel loogu talo galay.

Weftiga maxadwaynaha ayaa maalmaha soo socda la kulmi-doona raysal-wasaaraha iyo madaxda kale ee dalka Turkiga.

Weftiga Madaxweynuhu waxay marti qaad rasmi ah ka heleen dawladda dalkaasi, waxaanay labada dawladood ka wada xaajoon doonaan qodobo la xidshiidha sidii loo sii taabo-gelin lahaa wax wada qabsiga labada wadan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo socdaalkan ku weheliyay Marwadda Koowaad, Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

DAAWO