DAAWO – Kooxda Qaadaysa Koobka FA-ga Ingiriiska oo laga filayo natiijada Kulan Saacado ka hadhsan yihiin

London (SLpost)- Kooxaha Chelsea iyo Manchester City oo Goor dhow u ballansan kulan ka tirsan tartanka koobka FA-ga Ingiriiska oo marxaladdiisa Semi-finalka maraya, ayaa la filayaa in Guusha Koobkaasi ku xidhan tahay natiijada kulankooda oo 6:00-da fiidnimo ku qabsoomaya garoonka magaalada London ee Wembley.
chelsea_CityKooxda Wigan oo shalay la ciyaartay kana badisay kooxda Minwal, ayaa taagan Finalka Koobkan isla markaana sugaysa hadba kooxda guulaysata Chelsea iyo Manchester City, iyada oo bisha Soo Socota Final-ka koobkan lagu qaban doono Garoonka Wembley.

Kooxda Final-ka Taagan ee Wigan, ayaa kala horeynta dhibcaha Horyaalka Ingiriiska Xagga hoose kaga jirta, waxaana ka hooseeya oo kaliya kooxaha QPR iyo Reading, halka kooxaha caawa ku tartamaya Semi-finalka ay kaga jiraan Horyaalka Kaalmaha Labaad iyo Afraad.

Chelsea iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely

Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Chelsea

Bilowga:

Cech,

Azpilicueta, Ivanovic, Luiz, Bertrand,

Ramires, Mikel,

Hazard, Mata, Oscar

Demba Ba 

Beddelka:  Turnbull, Terry, Ake, Lampard, Benayoun, Moses, Torres

 

Manchester City iyo Jidka ay ku gaadhayso Wembely

Ciyaartoyda lagu bilaabi doono Manchester City

Bilowga:

Pantilimon

Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy,

Y Toure, Barry,

Milner, Tevez, Nasri,

Aguero

Beddel: Hart, K Toure, Lescott, Kolarov, Garcia, Sinclair, Dzeko

 

sports@somalilandpost.net