DAAWO: Khudbado Guddoomiyaha KULMIYE ka jeediyey OODWEYNE iyo XAAXI

Oodweyne (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna murashaxa madaxweynaha Md Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ay xaaladda abaarta ugu kuur-galayaan ugu baxay gobollada Bariga Dalka, ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibado kala duwan.

Khudbadda Guddoomiyaha KULMIYE ka jeediyey kulan weftiga Madaxweynaha Somaliland la qaatay guddiga abaaraha iyo waxgaradka magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh.

Hadalka Guddoomiye Muuse Biixi ka jeediyey Riig biyood laga qodayo deegaanka XAAXI ee Gobolka Daad-madheedh