Daawo Bilicda Sawirrada Xuska Sannad-guurada 27aad ee Ciidanka Booliska Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda hay’adaha gacansaarka la leh ciidanka Booliska, Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya Aas-aaskii ciidanka Booliska iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

Advertisement

Ugu horrayn ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dambiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.


Follow us On