DAAWO Bilicda Sawirrada Khudbad-sannadeedkii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyey Fadhigii Goleyaasha Baarlamaanka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Labada Aqal baarlamaan ee Somaliland.

Khudbadda madaxweynaha oo ahayd khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah, waxa uu ku soo qaatay Arrimo kala duwan oo khuseeya dhinacyada Dhaqaalaha, Ammaanka, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Doorashooyinka, kaabayaasha Dhaqaalaha, miisaaniyadda dowladda iyo qodobbo kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbad-sannadeedkiisa isku dul-daagay meelaha ay xukuumaddiisu diiradda ku saartay wax-ka-qabashada adeegyada bulshada ee aasaasiga ah iyo horumarinta dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ee xukuumaddiisa wax ka qabatay sannadkii tagay.

DAAWO SAWIRRADA KHUDBADDII MAANTA EE MADAXWEYNAHA IYO FADHIGII LABADA GOLE BAARLAMAAN