Daawo Bilicda Muuqaalladii ugu Quruxda Badnaa Xafladdii Xidhitaanka Barnaamijka Shaqo ee maanta

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah uga socday dugsiga Tabobarka Ciidanka ee Dararweyne oo dhinaca Woqooyi-bari kaga beegan magaalada Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo-qaran, waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamijka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

 

https://youtu.be/XsZmr5JLGb8