DAAWO Barnaamij Qiimo leh oo ka hadlaya Taariikhda 26 June iyo Midowgii lagu Hungoobay ee Soomaaliya

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Caawa oo ay taariikhdu tahay 26 June 2021 waxa ay ku beegan tahay 61-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay maxmiyaddii Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii.

Afar maalmood kaddib xornimada Somaliland oo ku beegnay 1 July 1960-kii, waxa xoriyaddooda qaatay Dhulkii uu Guumeysan jiray Imaraadooriyaddii Talyaaniga ee Soomaalida Koonfureed, waxaana isla taariikhdaas dhacay Midow aan Shuruud ku xidhnayn oo dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland oo xoriyadeeda Afar maalmood haysatay iyo Soomaalidii Koonfureed ee Talyaanigu Guumaysan jiray, waxaana halkaas ka abuurnay dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Haseyeeshee, go’aanka Midowga labada dhinac oo shacabka Somaliland ku deg-dageen, ayaan midha-dhalkiisu noqon sidii la filayey, kaddib markii ay soo baxday dheelli-tirnaan la’aan saami-qaybsiga mansayada dowladda oo ay badankooda qaateen Soomaalidii Koonfureed, arrintaas oo markiiba shaki iyo tuhun ku abuurtay Siyaasiyiintii horkacayay Jamhuuriyaddii Somaliland ee ee la midowga lagu hungoobay la galay Soomaaliya.

Advertisement

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamij qiimo leh oo laga diyaariyey taariikhda ay leedahay 26-ka June, qiimaha ay ugu fadhido shacabka Somalilland iyo hadimooyinkii laga dhaxlay midowgii lala galay Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement