[DAAWO] – Agaasimihii Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada (Cismaan Awr-Liqe) oo Iis casilay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimihii xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Cismaan Cabdi Cismaan (Cismaan Awr-Liqe) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaraddaas.

Cismaan Awr-Liqe oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay  magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ugu dhawaaqay inuu iska Casilay Xilkii uu hayay, isaga oo aan caddayn sababta wakhtigan ku soo beegtay inuu iskaga tago xilkii uu dawladda ka hayey, in kasta oo uu ballan-qaaday inuu wakhti kale faahfaahin ka bixin doono sababta Iscasilaaddiisa.

Cismaan Awr-Liqe oo waraaqda Iscasilaaddiisa u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, ayaa la ogeyn in la aqbalay is-casilaaddiisa.

Nuqulka warqadda iscasilaaddiisa oo uu u gudbiyey wasaaradda Madaxtooyada, ayaa u dhignayd sidan:

WASAARADDA MADAXTOOYADDA

Xafiiska siyaasadda xidhiidhka Golayaasha iyo Dadwaynaha .

waaxda xidhiidhka Dadwaynaha (Puclic Relation Office)

Ku:Wasiirka Madaxtooyada  Jamhuuriyad Somaliland

Og: Madxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland

Og: Dhamaan saxaafada madaxa Banaan

Ujeedo: Codsi shaqo ka tagis

Mudane Wasiir aniga oo aad kuugu mahad naqaya mudadii aynu wada shaqaynaynay,waxaan go,aansaday in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/02/2013 aan joojiyey kana tagay shaqadii aan ka hayey madaxtooyada oo ahayd madaxa xafiiska madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha .

Sababaha aan uga tagay dib ayaan ka soo sheegidoona mar ay ku haboontahay .

FG: Waxaa jira Baabuur aan wato oo uu ku xidhan yahay Numberka gaadiidka dawladda oo ah GT 1217, kaas oo aan lacagtiisa lawada bixin, anigoo gacantana ku hayn doono ilaa lacagtiisa la bixinayo,  maxaa yeelay tu aan anigu leeyahay ayaa ku jirta .

Agaasimaha xafiiska Xidhiidhka dadwaynaha .

Cismaan Cabdi Cismaan .