Daacish oo Khaarajiyey Laba Nin oo u Kala Dhashay Shiinaha iyo Noorway

(SLpost)- Daacish  ayaa soo bandhigtay sawirada labo nin oo u dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha, kuwaas oo ay afduub u heysteen muddo.

Labada nin oo lagu kala magacaabayay Ole Johan Grimsgaard-Ofstad oo 48 jir ahaa iyo Fan Jinghui oo 50 jir ahaa ayaan la ogeyn halka rasmiga ah ee laga qafaashay.

Daacish ayaa dalbatay lacago madax furasho si ay u sii daayaan labadan nin, balse dawladohoodu ayaa ka dhago adeygay.

Sawirada labadan nin ayaa hore  uga soo muuqday bogga labaad Wargeys ku hadla afka Daacish ee lagu magacaabo Dabiq, iyagoo xidhnaa maryo  huruud ah.

Daacish ayaa hore dilal ugu fuliyay muwaadiniin reer galbeed ah, kuwaasoo muuqaalo iyagoo la gowracayo ay soo bandhigeen.

 

Dhawaan ayay dawlada Maraykanku sheegtay inay dileen ninkii gowraca u qaabilsanaa kooxda Daacish Jihadi John  kadib duqayn ka dhacday magaalada Raqqa inkastoonay wali kooxda daacish warkaasi xaqiijin.

Â