Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Isbeddel Maamul lagu sameeyey iyo Agaasimihii hore oo farriin u diray Madaxweynaha

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore ee Cisbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab iyo Agaasimaha Cusub Dr. Cabdi Askar oo muddo kooban gudaheed markii labaad loo magacaabay maamulka Cusbitaalka Guud ee Caasimadda oo xaaladdiisa xilligan laga dayriyey.

Dr. Yaasiin Carab, ayaa madaxweynuhu xilka ka qaaday todobaadkii hore, waxaana la sheegay in khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Munaasibada xil-wareejinta labada masuul ayaa lagu qabtay Cisbitaalka Guud, waxaana ka qayb-galay Madaxda iyo Shaqaalaha Waaxyaha Cisbitaalka iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimaha Xilka wareejiyey oo isaga laftiisu dhowr jeer oo hore soo qabtay Maamulka cusbitaalka, ayaa hadal uu munaasibadda ka jeediyey waxa uu ku sheegay in aanay waxba iska bedelin xaalada Cisbitaalka, haddii aan waxba laga qaban waxyaabaha ka dhiman ee dhanka adeegyada caafimaadka iyo Miisaanadda loo qorsheeyey.