Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan dad koox-koox u fadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.
Ibraahim Gaafuun Yuusuf waxa kaloo uu ii sheegay inay nafarka amma inta qof cuno ee cunto waddani ah inay ku iibiyaan 3000 oo shilin Somaliland ah una dhiganta nus doollar.
Samaynta cunto waddanidu waxay u baahantahay qof yaqaanna oo xirfad u leh samaynteeda: “Waxa jira dad gaar ah oo karin yaqaanna oo aanu u tababarnnay. Dadkaasaa sameeya oo xitaa milix kuma darno. Inta aanu qofka milixda u ag-dhigno ayaanu ku nidhaahdaa ku darso. Maadaama oo meheradda ay wax ka iibsadaan oo ay joogaan dad xanuunnada aan sheegay qaba oo ay badan yihiin. Markaa saa qofka aan xanuunka qabine na yidhaandaa ‘waar maxaad milixdii ugu dari waydeen.’ Waxaana aanu ku nidhaahnaa ‘waar waa tan ee ku darso.’ Runtii dadka xaafadan ku nooli waxa yihaahdaan ‘dhakhtar caafimaad ayaad noo tahay. Beryihii hore waxa aanu ku cashayn jirnay roodhi yar amma haaf baasto ah. Mida kale dee sixirku waa bilaash waa wax jaban waa 3000 oo lacagta Somaliland ah una dhiganta nus doollar. Qofka aanu u siyaadinayno ee nafar saa’id ah la siinayo waxa aanu kaga iibinnaa 4000. laakiin qofku ma dhammaynayo saddexda kun.” ayuu yidhi Ibraahim Gaafuun.
Intii aan ku sugnaa meheradda Gaafuun waxa dhegahayga soo jiitay sanqadha milqacadaha amma qaadooyinka iyo jabcadaha cunto waddaniga lagu cuno. Waxa aan halkaa kula kulmay Dr. Siciid Sheekh Maxamed oo ka mid ah dadka sida joogtada wax uga cuna Gaafuun oo xilligaa cunayay Shuuro amma Gelley la ridqay: “Cuntada waddaniga ahi waa noloshii, laakiin dadkeennu nafaqada ku jirta sida ay ugu jirto uma cunaan ee way ka saaraan. Cuntada waddaniga ahi waxay ku wacan tahay haddii ay hadhuudh, gellay amma sarreen tahay in la cuno iyaga oo buushahoodii wata. Markaas ayuu buushahaasi dadka cafimaad-gelinayaa oo qofka jidhkiisa xoogaynayaa oo waxa uu muruqu ka samaysan yahay-na samaynayaa, lafuhuna ay korayaan. Laakiin inta badan Soomaalidu buushaha way ka saartaa. Sidaa ay tahay haddana reer miyigu waxay yaaqannaan waqtiyada ay u baahan yihiin inay garawga buushaha leh cunaan oo waa marka ay lafi jabto amma waa marka ay qofka TB ku dhacdo ee la doonayo in la xannaaneeyo waxay odhan jireen ‘hilib, caano iyo garaw isha laga tuuray siiya.”Ayuu yidhi Dr. Siciid heekh.
Faa’ida ugu badan ee uu tilmaamay Dr. Siciid Sheekh in laga helo cunista cuntada waddaniga, ayuu ku sheegay inay qofka koriyaan jidh ahaan iyo xoog ahaan ba. isaga xusay in cunta baalka lihi ay tahay cunto dabiici wax-tarkeeduna sugan yahay, isaga ayaa tusaale isu soo qaadanaya: “Waxa aan dareemaa oo faa’idada ugu weyni a tahay calooshayda yeemis kumaba dhacaba waa faa’idada ugu horraysa. Mar hadii aanu yeemis igu dhicinna si fiican ayaan habeenkii u seexdaa. Daalna ma dareemo oo waxa had iyo jeer ahay nin firfircoon. Ilaahay baana cudurka iyo caafimaadka-ba hayee cudur iguma dhaco, weliba cudur la xidhiidha nafaqo-darro weligay igumuu dhicin oo raashinkaas waddaniga ah ayuum-baan cuurtaa.”
Dadka qaar ayaa jecel inay cunaan gelleysa fara-cadda loo yaqaanno ee baalka laga saaray amma garawga la tumo ee loo yaqaan buushe-baxa, sida oo kale dadka qaar ayaa iyaguna daqiiqda quraac ka dhigta, Dr. Siciid Sheekh oo dadka uga digaya inay sidaa sameeyaanna ayaa yidhi: “Berigii aanu yar yarayn magaalada Hageysa waxa lagu dhaqan jiray riyo, riyahaa marka garawga la tumo ee buushaha laga saaro laxooxda ayaa laga samayn jiray, dabadeed buusha riyaha ayaa la siin jiray. Markaa dumarku waxay odhan jireen ‘way ku badiyaan caanaha markay buusha cunaan.’ Markaa macnuhu waxa weeye buushu nafaqo weyn ayuu xoolaha gelinayaa, laakiin dumarku sidaa umay garanayn. Annagana laxoox cad oo buushaha laga saaray ayaa nala siin jiray. Markaa dadkii aniga ila koray waan wada laf-jabnay. Waxaanse dadka kula talin lahaa inay bahasha la yidhaahdo faracadda (waa gelleyda buushaha laga saaray) inay iska joojiyaan oo ay cunaan ta buushaha leh, waa ta aan cunaayee oo shuura shar la’ ayay Soomaalidu odhan jireen. Waxaana cuni jiray oo ay cunto joogto ah u ahayd dadka beeralayda ah oo innaga aad inoomay soo gaadhi jirin. Waxaana la helay wax lagu ridqo oo lagu jilciyo, waana ay macaan tahay oo way wanaagsan tahay ee caruurtiina bara. Laxooxdii caddaydna ka joojiya oo laxooxdaa buusha leh u sameeya. Waana aad ka nasanaysaane in yar oo bikin boodhe ah ku dara oo sida roodhida u sameeya. Laxooxdaasi waxay noqonaysaa laxoox aan khamiirin oo wax ka yar shan daqiiqo intay dabka saaran tahay ku bislaanaysa, dhadhan macaanna leh oo haddii ay caruurtu bartaanna aanay afka ka qaadayn.” ayuu Dr. Siciid Sheekh hadalkiisa ku soo af-meeray.
Ugu danbayntii, mar aan booqday goobta lagu iibiyo cuntooyinka waddaniga ee qaydhin waxa la ii sheegay in qiimuhu hadda kor u yara kacay. Waxaana Hinda Siciid Seed oo ka mid dumarka raashinka waddaniga ah ku iibiya xero-dhahuudha Hargeysa ay ii sheegtay in garawga iyo gelleyda aad looga iibsado.