Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday + Taariikh-nololeedkii Marxuumka

Cumar Carte Qaalib xilligii uu ahaa Safiirka Ethiopia

 

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee, waxa cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa maanta ku geeriyooday Siyaasi Cumar Carte Qaalib oo ka mid ahaa siyaasiyi magac iyo Saamayn ku dhex leh Bulshada Soomaalida iyo Caalamkaba.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad xannuun u jiifay cusbitaal Hargeysa ku yaalla, isagoo da’diisu tahay 90-jir.

Madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Carte Qaalib.

Taariikh nololeedkii Marxuumka.

Marxuum Cumar Carte qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaalida.

Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Somaliland, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.

Cumar wuxuu sanadkii 1930-kii ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisa aasaasiga ah wuxuu ku qaatay isla haegeysa, markii uu waxbarashadiisa sare kusoo qaatay waddanka UK kaddibna wuxuu muddo dheer macallin ka ahaa dugsiyada dalkiisa hooyo.

Markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadaneysay gumeystayaasha wuxuu ku jiray siyaasiyiintii ugu firfircoonaa waddanka.

Dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayuu sanadkii 1969-kii ka noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda.

Bishii January ee 1991-kiina isla Siyaad Barre ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Xilkaas ayaa mar kale loo cusbooneysiiyay markii la aasaasay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa ilaa sanadkii 1993-kii.

 

Cumar Carte Qaalib xilligii uu ahaa Safiirka Ethiopia

Cumar Carte waxa uu muddo dheer ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Danjire Cabdullaahi Axmed Adan Congo, oo qunsulka Itoobiya ahaa markii uu safiirka ahaa Cumar Carte, ayaa BBC-da u sheegay in marxuumka uu shaqooyin badan usoo qabtay qaranka Soomaaliya.

“Cumar wuxuu ahaa nin ku dhaggan waddaniyaddiisa iyo muslimnimadiisa labadaba, wuxuuna ahaa ninka qudha ee laga yaabo qaddiyadda Soomaaliyeed u diyaar ah isagoo laga yaabo in lagu toogto, oo aan ka baqanin,” ayuu yidhi Danjire Cabdullaahi Congo.

Sidoo kale, wuxuu sharraxayaa sida uu u wajahay boqrkii Itoobiya, xilligii uu safiirka ahaa.

“Waa kii aan la shaqeynayay ee aan qunsulka ugu ahaa Itoobiya, wuxuu Cumar u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah. Waa ninka qudha ee diiday inuu u sujuudo Xeyla Salaase. Marka uu Danjire walba qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudaa oo markaasna uu dib u noqdo, laakiin isagu wuxuu yidhi, ‘taasi ma dhaceyso, anigu Alle waxaan ahayn u sujuudi maayo’, sidaasoo kale ayuu qaddiyadda Soomaalidana ugu adkaa.”

Sida uu Cabdullaahi Congo sheegay, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa gobolka markii uu Waqooyiga Soomaaliya heystay gumeystihii Ingiriiska.

Raysalwaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte

“Markii Waddanka la isku daray wuxuu noqday safiirka Addis Ababa, muddo dheer ayuu ahaa safiirka, kaddibna wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay. Markii dambe ee ay Soomaalida kala daadatayna waa kii ka dhoofay waddanka.”

Hase yeeshee inta uusan dibadda aadin ka hor waxa uu xil siyaasadeed uga tartamay dhinaca Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegayo Cabdullaahi Congo.

“Burburkii kaddib inta uusan waddanka ka dhoofin wuxuu isu sharraxay madaxweynenimada Somaliland, laakiin waxaa ka helay ina Cigaal, intaas kaddibna wuxuu iska tagay Sacuudiga.”

Sida uu danjira BBC-da u sheegay, waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xasuusan jiray Cumar Carte Qaalib waxaa ka mid ah inuu aftahan ahaa, dalalka Carabtuna ay si weyn u qaddarin jireen.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dadaalkii ay Soomaaliya ugu biirtay Ururka Jaamacadda Carabta.

Magaalada Hargeysa ayaa Khamiista lagu aasi doonaa Cumar Carte, sida uu sheegay  afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net