COVID-19 oo Faro-baas ku haya Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Puntland iyo Wararkii u dambeeyey Xogta Cudurka

 

Garowe (SLpost)- Tirada Wasiirada ee maamul-goboleedka Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xil-saaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho.

Labo ka mid ah Wasiirada maamulkaas ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin.

Advertisement

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay Covid-19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan ilaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay.

Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu xannuunka kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah u tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedkaas.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa lagu sameeyey baadhitaanka.

Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ilaa haatan xaqiijiyey 111 kiis oo cudurka Covid-19, halka tirada dhimashaduna gaadhay Afar Qof. Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Caafimaadka, waxa xannuunka ka bogsaday 3 qof.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On