Codadkii Ay Ku Guulaysatay Doorashada Baarlamanka Ayaa Lagala Noqday Kadib Markii Ay Nin Gacan Qaadday

1Tehran (Slpost)- Gudoomiiyaha Guddida doorashooyinka qaranka ee dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in la tuuray codadkii doorashada ee ay heshay murashaxada xisbiga qunyar socodka dalkaas ka socotay ee ku guulaysatay doorashooyinkii dhowaan dhacay ee golaha Baarlamanka dalka Iiraan. Xildhibaanaddan 30 jirka ah oo lagu magacaabo Miyno Khaaliqi ayaa cod kala noqoshadeedan lagu sababeeyey in ay salaan ku gacan qaadday rag geyaankeeda ah oo booqday.

Maxamed Xuseen Muqiimi oo la hadlay wakaaladda wararka Iiraan ee Faris ayaa yidhi, “Golaha dhowrista dastuurku waxa uu wasaarada arrimaha gudaha ku amray in ay waxba kama jiraan ka soo qaaddo codadkii murashax Miyno Khaaliqi oo ku guulaysatay kaalinta sadexaad ee Shantii Kursi ee laga soo dooranayey magaalada Asfahaan oo ah magaalada saddexaad ee ugu dadka badan Iiraan.

Waa markii ugu horreysay taariikhda dalka Iiraan ee xildhibaan sifo sharci ah ku guulaystay codadka doorashada la xukumo in lagala noqdo, dad badan ayaana aaminsan in arrintan ay ka dambeeyaan kooxaha mayalka adag oo laba ka mid ah ay gabadhani kaga guulaysatay kursigan. Niyno oo iyaduna warqaf furan siisay warbaahinta ayaa kudooday, in eedaha loo soo jeediyey ay yihiin been abuur iyo sharaf dil ay kooxo damiir laawayaal ahi ku dilayaan anshaxa dhowrsoon ee ay ku soo barbaartay iyo dhaqankeed diinta Islaamka.