Cirro Oo Xoghayaha Warfaafinta U Magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargyesa(SLpost)-Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u magacaabay xoghayaha warfaafinta Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan ku soo biiray xisbiga Waddani., qoraal kooban oo arintan ku saabsan wax auu u dhignaa sidan

 Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:   Baahida  loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta

Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI

Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan

Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI  go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI

Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo  Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .

                                                            ALLAA MAHAD LEH

Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”