Cirro Oo La Shaaheeyay Reer Burco

Burco (SLpost)-Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani ahna Gudomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa Galabnimadii Maanta Dadwaynaha Reer Burco Kula Shaheyay Maqaaxiyo Caan ah Oo ku Dhex Yaala Gudaha Magalada Burco,

Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kadis ah Loogu Dhex arkay Maqaxiyaha Cadaani iyo Maqaxida Cirro Oo Uu Gudomiye Cirro Dadwayne Tiro Badan Kula Shahaynayay Maqaxiyahaasi,

Waxaana Gudomiyaha ka Muqatay Kalsooni Aad u buuxda Dadwaynihi ku Sugnaa Gobahaasi ayaa ku faraxsanaa inuu soo Booqdo gudomiye cirro lana shaaheyo wakhtina siiyo dad Shacabka ah si ay isu Xog Waraystaan,

Dadwaynihii ku Sugnaa Maqaxiyaha Cadaani iyo Cirro Tea Shop ayaa Dareenkooda Laga Dheehan Karayay Siday Ugu faraxsan Yihiin Soo Booqashada Gudomiyaha Ee Goobaha Noocani Oo Kale ah Waxaanay intooda badani shegeen inay Tabacsan Yihiin Siyasada Xisbiga Balana Qadeen inay Codkooda Ugu Hiilin Donaan Wakhtiga Doorashada Xisbiga Wadani Maadama Oo ay bay Yidhahdeen Reer Burco Jecel Yihiin inay Mar afraad Nin Reer Togdheer ahi Noqdo Madaxwaynaha Dalka.

Gudomiye Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) ayaa isaguna Dhankiisa ay ka Muuqatay Dareen Farxadeed Maadama Aanay Hore Gobalka Togdheer Uga Dhicin in Musharax Madaxwayne Dhex Fadhiisto Goobo Noocani Oo kale ah,

Ugu Danbayntii Safarkani Kadiska ah Ee Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro ku Tagay Goobaha Laga Shaaheyo Ee Magalada Burco ayaa Noqonaysa Musharaxii u Horeyay Ee Sidan Oo Kale u Dhex Fadhiista Goobaha Bulshadu isugu Timado inta Badan Waxaanay Tani Tusaale Fiican u Tahay inay ku Daydaan Hogaanksa Sare Ee Asxaabta Xisbiyada Qaranku,