Cinjirro uu ka Mid Yahay Mujuruca Carruurta oo Laga Helay Kiimiko Sababa Cudurka Kansarka

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in cinjirro badan oo uu ku jiro mushuruca carruurta wax lagu siiyo laga helay kiimiko dhalisa cudurka kansarka. Waxa kaloo xannuunkaas laga helay cinjirdhka Kondhomka loo yaqaan ee loo isticmaalo galmada.

Waxa kaloo hay’addu sheegtay in galoofiska ama gamco-gashiga loo isticmaalo goobaha caafimaadka, caagaga naqaska bukaanka laga siiyo, xadhkaha laydhka kabaha, taayirrada gawaadhida iyo cinjirka amma rabadhka lacagta lagu xidho oo baadhitaan lagu sameeyey laga helay waxlo kiimikaad oo sababa kansarka.

WHO ayaa sidoo kale xustay in waxyaabo badan oo ka mid yihiin kubbadaha lagu ciyaaro walaxdan ku jirto, taasoo ka kooban macdanaha Mercury, Lead, Arsenic iyo walxo kale oo sun kiimikaad ah.

Hay’addu waxa ay cabsi ka muujisay in ciyaaryahannada, gaar ahaan gool-hayayaashu si kedis ah u liqaan walxahan marka ay difaacanayaan goolkooda, kuwaasoo ku jira galoofisyada, shabaga goolka iyo waliba kubbadda.

Ciyaartoy la yidhaa Nigel Maguire oo 18 jir ah, isla markaana uu dhalay nin ka mid ah Madaxda Xarunta Caafimaadka ee Ingiriiska, kana ciyaara jagada gool-hayaha, ayaa laga helay kansar, iyadoo markii la baadhay la ogaaday inuu ka qaaday cinjirradan.

Mr. Marguire oo ah Madaxa Xarunta Caafimaadka ee NHS Cumbria, ayaa sheegay oo shaqadiisa hore uga hawlgabay si uu wiilkiisa u caawiyo, waxaannu sheegay in walxahan uu ka qaaday kansar aad u xun.

Kulan lagu qabtay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, kuwaasoo ay isugu yimaadeen 24 khabbiir oo ka kala socday 8 dal, ayaa ku qancay caddaymihii la soo bandhigay ee lagu muujiyey in cinjidhadan ay ku jiraan kiimikooyin sababa kansar iyo cuncunka maqaarka.

Prof. Hans Krombhout oo ka mid ah guddida khubarada ah ee baadhitaanka ku sameeyey walxahan kiimikaad, ayaa sheegay in ay ka heleen goloofyada, mujuruca masaasadda ee carruurta iyo kondomka galmada.

“Waxa dhawaan la ogaaday in rabadh amma cijirro badan oo la xidho amma taayirradaba ay yihiin waxyaabo sumaysan,” ayuu yidhi Prof. Hans.

Khubaradan oo hoggaaminaya baadhitaannada walxaha kiimikaad ee dalka Ingiriiska, ayaa shacabka u soo jeediyey in aanay welwelin, baadhitaannada lagu samaynayo, halka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO qiratay in aanay khatarta inaas le’eg u war hayn.

Khubaro cilmi-baadhis ku sameeyey arrintan oo WHO u dirtay, ayaa shaaciyey in rabadhada laga helay kiimiko sababta kansarka ku dhaca caloosha amma dhiigga raaca iyo kiimikooyin kale oo khatar badan, halka cilmi-baadhis kale oo la sameeyeyna ay iftiimisay in kiimikadan ay xayaawaan lagu tijaabiyey ku sii badisay unugyada kansarka sababa.

Hay’adda WHO oo go’aankeeda ku daabacay jariirada Lancet Oncology ee caafimaadka ka faaloota, waxaanay ku sheegtay in rabadhadan ay waxyeelo u leeyihiin dadka, loona baahan in laga digtoonaado.

Xigasho Maankaab