Cilmi-baadhis: ‘Dhab ahaantii Guul-darradu Adiga ayey kuu Fiican Tahay’

 

Dadweynaha Ingiriiska ayaa ku maahmaaha ‘Guul-darradu waa macallinka ugu fiican ee nolosha aadamaha.’ Sidaa darteed, khubaro sannado badan baadhayey saamaynta guul-darradu ku yeelato qofka ayaa soo saaray inay u fiican tahay dadka, maxaa yeelay waxa qofka ka faa’iidaystaa khaladaadka uu galay si aanay mar dambe dib ugu dhigin horumarikiisa.

Cilmi-baadhistan oo cusub ayaa iftiimisay in maskaxda bani’aadamku ay laba darriiqo wax ku barato. Dariiqada koowaad waa, taxadir barashada, taasoo qofka ku keenta ciqaab iyo khibrado taban (negative), waxaanay maskaxda ku tababartaa in ay ka fogaato ku noqoshada khaladaadka.

Dariiqa labaadna waa barashada ku dhisan abaalmarinta. Waa dariiq togan (positive) oo keenta in qofku fikradaha dhiirrigelinta ah khibrad ka qaato, taasoo maskaxda ku keenta in ay dareento guul markay hesho jawaabta saxda ah.

Daraasaddan oo ay samaysay Jaamacadda University of Southern California ee dalka Maraykanka, una badnayn kombuyuutar (scan) la mariyey maskaxda dadka oo Maankaab soo xigtay, ayaa lagu ogaaday in marka qofku fursad u helo inuu barto guul darooyinkiisa waxyaabaha sababa u beddeli karo guulo, gaar ahaan haddii maskaxdu fursad u hesho inay barato khaladaadkeeda.

“Waxa aannu soo bandhignay xaalado dhawr ah, markii aan helnay macluumaad nagu filan ee ah in aannu dooran karno wax, dabadeed maskaxdeennu waxay gaadhaa dariiqyo ay awood isku siinayso, halka ay ka digtoonaan lahayd waxyaabahaas.” Sidaa waxa yidhi Giorgio Coriceeli oo ah macallin Maraykanka wax ka dhiga, gaar ahaan Jaamacadda USC (University of Southern California).

Cilmi-badhayaashu waxa ay 28 mawduuc oo kala duwan waydiiyeen dad da’doodu ku dhawaad tahay 26 jir, waxana lagu harqiyey su’aalo taxan si loogu qasbo in ay helaan jawaabta saxda ah, haddii ay doortaan su’aasha khaladka ah, waxay waayayeen lacag, hadday jawaabta saxda ah gartaanna lacag baa la siinayey.

Waxa la ogaaday in qofka khaladaadkiisa barta uu ugu fiican yahay oo uu hadhaw guusha gaadho, isla markaana murugadu ku yaraato, maadaama uu fahmay halka khaladku uga yimi.

Xigasho Maankaab