Ciidanka Qaranka Somaliland oo Soo Bandhigay Maxaabiis iyo Gaadiid ay Dagaalkii Saaka Ku Qabteen

Laascaanood (SLpost)- Ciidanka Qaranka Ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa guulo ka gaadhay dagaal ay saaka ku soo qaadeen Maleeshiyaadka huwanta ah ee isku urursaday Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ciidanka Qaranka, ayaa dagaalkan saaka ku qabsaday Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Maxaabiista Ciidanka Qaranku dagaalka saaka ku qabteen, waxaa ka mid ah Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo ka tirsan Baarlamanka Maamul-goboleedka Puntland.

Xildhibaankan ka tirsanaa Barlamaanka Puntland, ayaa Laascaanood ka dagaalamayay tan iyo bilawgii dagaalka.

Hon Dalmar  ayaa baraha bulshada ku baahin jiray Isagoo u Hanjabaya Ciidammada Somaliland ee jiidda hore iyo marar uu si toos ah dagaalka ugu jiray ama uga qayb-qaadanayay oo muuqaallo laga baahiyey.