Ciidanka Qaranka Somaliland oo Maxaabiis iyo Tikniko Ka Qabtay Ciidamada Puntland

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war ka soo saaray dagaal maanta gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamo ka socda Maamul-goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad u dhashay deegaanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in weerarro lagu soo qaaday fadhiisimada Ciidanka ee gobolka Sool, halkaasna uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada huwanta ee ku sugan gobolka Sool.

War-saxaafadeedka waxa lagu yidhi, “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u taagan yahay difaaca Qaranimada Somaliland marwalba.

Haddaba Ciidmada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.
Ciidanka Qaranka, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Ciidanka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka waxa ay dagaalka saaka ku qabtaan maxaabiis iyo Tikniko ay wataan cadawga soo duulay.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay taliska Ciidanka Qaranka.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey dagaalka Saaka iyo weerarka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.” Sidaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net