Ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu maamuusay Doorka ay ka qaateen Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacan ka geystay mashruuca biyo-ballaadhinta ee Hargeysa oo intiisa badan la dhammeystiray.

Mashruucan oo lagu ballaadhinayo dhuumaha biyaha ka soo qaada Ceelasha Biyaha ee Geed-Deeble si magaaladu u hesho biyo ku filan, waxa hawshii wadda Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo taageero Maaliyadeed ka helay Midowga Yurub.

Haddaba, ciidanka Qaranka Somaliland oo kaashanaya hay’adda Miino-baadhista ee HALLO TRUST, ayaa Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ka caawiyey burburinta Dhagxaan iyo Buuro Xannibay dhulka ay soo marayaan Dhuumaha Biyaha soo gaadhsiiya Caasimadda, iyagoo hawl-galkaas u adeegsaday Miinooyin lagu burburiyey.

Haddaba, waxa xarunta Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ku qabsoontay munaasibad kooban oo shahaado-sharaf lagu maamuusay hawsha ay ka geysteen lagu guddoonsiiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka. Waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka, Horumarinta Biyaha, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Saraakiil ka socday hay’adda HALLO TRUST.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta Xasan Gaafaadhi iyo Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye, ayaa shahaado sharafyada Guddoonsiiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Saraakiil ka socday Hay’adda hay’adda HALO TRUST.

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalka Hoose.