Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Guulo Ka Gaadhay Dagaal maanta Dhexmaray Kooxaha Huwanta Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Kooxaha Huwanta ah ee Isku urursaday magaalada Laascanaood, ayaa maanta weerar ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka magaalada Laascaanood.

Maleeshiyaadka Huwanta ee Laascaanood oo ka kooban Ciidamada Puntland, Kooxo Argagixiso ah iyo Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Deegaanka, waxa ay weerar ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyahay Aagga Buuraha Xargaga ee Galbeedka magaalada iyo Maraaga oo ku yaalla Bariga Laascaanood.

Dagaalka Oo bilaabmay subaxnimadii hore ee saaka ayaa socday ilaa gelinkii dambe ee maanta, waxaana jira gaadiid iyo saanad military oo Ciidanka Qaranku ka furtay kooxaha huwanta ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku guulo wax ku-ool ah ka gaadheen dagaalka isla markaana ay jabiyeen Kooxaha Isgarabsanaya oo la gaadhsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, halka sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub laga furtay.

“Dagaalki maanta dhacay ee ay ku soo qaadeen fadhiisimaha difaaca ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cadowga is garabsanaya ee ka kooban puntland, argagixisada iyo maleeshiyadka ayaa lagu jabiyey dagaalka ay soo qaaden.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay horumar ka sameeyen dagaalki saaka sidda:-

b) Inay ciidanka qaranka JSL ay ka qabsadeen goobo cusub cadowga is garabsanaaya.
t) Inay Ciidanka qaranka JSL ay ka furteen soddon(30) qori in ka badan cadowga is garabsanaya.
j) Inay Ciidanka qaranka JSL ay ka gubeen saddex ka mida gadiidka ciidamada cadowga ee is garabsanaya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisimo Cusub ka samaystay duleedka magaalada Laascaanood oo ay ku soo ruqaansadeen kaddib markii maleeshiyaadka weerar soo qaaday ay dib ugu yaaceen gudaha magaalada oo dhufays u ah mar kasta oo dagaal dhex maro Ciidanka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net