Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Cagta Mariyey Ciidamo Ka Yimi Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa cagta mariyay ciidan-beeleedyo ka yimi Soomaaliya, kuwaas oo ku sii jeeday socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidamadan maleeshiyaadka ah oo gurmad ahaan uga yimi maamul-goboleedka Puntland, kuna soo wajahnaa magaalada Laascaanood oo jidka ka lumay ayaa afka uga galay Guutto Ciidanka Somaliland ah oo ku sugnaa jihada Koonfureed ee magaalada Laascaanood.

Ciidamada oo ka soo tallaabay dhinaca xuduudka Ethiopia oo ay soo dhex-mareen kaddib markii ay ka yimaaddeen Woqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan Puntland, ayaa doonayay inay magaalada Laascaanood ka soo galaan jihada Koonfur-Bari, waxaana halkaas iska heleen Ciidanka Qaranka oo dagaal qadhaadhi dhexmaray.

Malleeshiyaadka ka yimi Gobollada Dhexe, ayaa wararku sheegeen in khasaare ba’ani soo gaadhay isla markaana laga qabsaday toddoba gaadhi oo tikniko ah, maxaabiis laga qabtay halka intoodii kalena wararku sheegeen inay baxsadeen oo firxadkii dib u noqdeen.

Ciidammadan gurmadka ah ee ka yimi Gobollada dhexe ee Somalia ayaa gurmad u ahaa kooxaha xagjirka ah iyo dadka deegaanka ee ka barbar dagaalamaya, kuwaas oo jebiyay Xabbad-joojin labada dhinac ah oo ay xalay ku dhawaaqeen, iyagoo weeraro ku qaaaday ciidanka qaranka oo iyagu difaac galay.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii,” waxa sidaas lagu yidhi war-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegay inay dhankeeda fulisay xabbad-joojinta lagu dhawaaqay, “Sida ay la socoto bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo caalamkuba, waxa ay xukuumadda Somaliland habeenkii xalay ku dhawaaqday Xabad-joojin bilaa shuruud ah , Nasiib daro waxa xabad-joojintaa jabiyay kooxaha ku soo duulay nabad galyada iyo xasiloonida Magaala Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland iyada oo u tudhaysa shacabkeeda ku nool Magaalada Laascaanood sidoo kalena tixgalinaysa baaqyada nabadeed ee ka soo gaadhaya dhinacyo kala duwan, waxay mar kale ku celinaysaa in ay dhinaceeda ka hirgalisay Xabad joojin bilaa shuruud ah, sidoo kalena ay u diyaar tahay in xaaladda Magaalada Laascaanood lagu dhameeyo wada-hadal iyo is-afgarad anagoo ka rajeynayna dhinaca kale in ay dhankooda ka hirgalin doonaan xabad-joojintan.

Ugu danbayn; Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay amar ku qabaan hirgalinta xabad-joojinta, balse ciidamadu waxay heegan u yihiin weerarada kaga iman kara cidkasta, kuna sugnaadaan xeryahooda iyo fadhiisimadood rasmiga ah,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeed uu caawa soo saaray wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net