Ciidanka Qaranka Somaliland Oo 29-Jirsaday iyo Hambalyada Taliye Nuux Ismaaciil Taani

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hambalyo u diray qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka Oo Khamiista Berri u dabbaal-degaya Xuska 29-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani waxa uu saraakiisha, saraakiil xigeenada, dableyda iyo waliba qoysaskooda ugu hanbalyeeyay dabaal-degga munaasibadda aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland, sida lagu sheegay war kooban oo maanta ka soo baxay Taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland.

“Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo dableyda ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ciidanka Qaranka iyo xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka, waxaanu ugu hanbalyaynayaa munaasibadda xuska sannad-guuradii 29-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 2/2/2023 haddii ILLAAHEY yidhaahdo.” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka.

Advertisement

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement