Ciidanka Qaranka Oo Laascaanood Ku Soo Bandhigay Maxaabiis iyo Digniin Loo Diray dalalka Geeska Afrika

Advertisement

Laascaanood (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in kooxo argagixiso ah oo khatar ku ah amniga Geeska Afrika ay kula dagaalamayaan Magaalada Laascaanood.

Taliye Nuux Taani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood Maanta, waxa uu sheegay in magaalada ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo ka yimi maamul-goboleedka Puntland oo ciidan, Hub iyo dhaqaale ku taagaysa dagaal ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka Qaranka iyo Malleshiyaad Huwan ah oo ku sugan gudaha magaalada.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay rabaan in ay Laascaanood ka dhigtaan saldhig cusub, kadib dagaalka deegaano badan ay dowlada Soomaaliya kaga xoraysay kooxda Al-shabaab.

Advertisement

Dhinaca kale, waxa uu Ciidanka Qaranka Somaliland magaalada Laascaanood ku soo bandhigay maxaabiis sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha xag-jirka ah ee magaalada ka dagaalamaya.

Muuqaalka Hoose Ka DAawo Faahfaahinta Warkan

Advertisement