Ciidanka Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Natiijada Cilmi-baadhis Hor Leh

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigey cilmi-baadhis nooceedu ugub yahay oo laga sameeyay qaabka loo kobciyo xidhiidhka ka dhexeeya Bulshada iyo Ciidammada Booliska.

Cilmi-baadhista oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa subaxnimadii Arbacada maanta lagu soo bandhigey Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, waxaana madasha goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeyo Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo saraakiil sar-sare oo Ciidanka ka tirsan.

Khubarada cilmi-baadhistan sameysay waxa ay sheegeen in natiijada ugu muhiimsan ee ka soo baxaysa cilmi-baadhistu tahay sidii xoojinta xidhiidhka bulshada iyo boolisku u noqon lahaa mid laga midha-dhaliyo, isla markaana masuul kastaa uu doorkiisa qayb muuqata uga qaadan lahaa.

Advertisement

Waxa Cilmibaadhistan lagu gorfeeyay in la dardargeliyo shaqooyinka maalinlaha ah ee bulshada loogu qabto saldhigyada iyo in la helo nidaam isla xisaabtan shaqo oo lagu abaalmariyo saldhigyada booliska ee kaalmaha hore ka gala diyaarinta nidaam isla xisaabtan ah oo qoran, diyaarinta habka qiimaynta ee saraakiisha shaqada haya lagu qiimeeyo.

Gebo-gabadii, Taliye Dabagale oo madasha ka hadlay, waxa uu bogaadiyey deraasadda ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta Booliska iyo bulshada, maadama boolisku yahay saaxiibka dadweynaha, waxaanu khuburadii loo xulay cilmi-baadhistan ku bogaadiyey masuuliyadda ay iska saareen ka-midho-dhalinta ujeeddadii laga lahaa oo uu sheegay inay qayb ka tahay dedaallo dib-u-habayn loogu samaynayo Ciidanka Booliska Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement