Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedaymo ka soo yeedhay Fanaanadda Safiya Tusmo

Boorama (SLpost)- Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Gaashaanle Sare Cabdi Kheyre Dugsiiye (Arraweelo), ayaa ka hadlay eedayn ay fanaanadda Safiya u tusmo u jeediyey ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka Awdal oo ay ku eedaysay inay ku lug leeyihiin gubashada meherad ay ku leedahay magaalada Boorama.

Taliyuhu wuxuu been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn ku sheegay hadalka ka soo yeedhay fannaanada oo maalmihii u dambeeyey baraha bulshada ku baahinaysay eedaymo ka dhan maamulka gobolka.

Taliye Arraweelo waxa kale oo uu been-abuur ku tilmaamay hadal uu sheegay been-farriin ay fanaanaddu isaga baahisay, iyadoo sheegtay in Taliyaha Guud ee ciidanka Boolisku amar ku siiyey Taliye Arraweelo xadhigga fanaanadda, balse uu Taliyaha Qaybta booliska Awdal ka dhega-adaygay.

Advertisement

“Miyey suurto-gal tahay inaad diido amar uu isoo siiyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland. Miyey suurto-gal tahay? Hadallada noocaas ah ee inanta ka soo yeedhay siday ula ekaadeen waan garan waayey,” sidaas ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Awdal Gaashaanle Sare Cabdi Kheyre Dugsiiye (Arraweelo).

Taliye Arraweelo oo ka hadlayey eedaynta ay fanaanaddu u jeedisay maamulka iyo ciidamada ammaanka gobolka Awdal, wuxuu yidhi, “Waxaan u yeedhay Ninkeeda iyo Caaqilkeediiba oo waxaan ku idhi idinkaa laydinka doonayaa inaad soo caddeysaan meesha dowladdu guriga kaga gubtay”.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Taliyaha oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal.

Follow us On