Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta ku dhigay Gacan-ku-dhiigle Qudha ka Jaray Aabihii Dhalay

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane lagu magacaabo Ciise Maxamed Yuusuf, kaas oo la sheegay inuu qudha ka jaray Aabihii oo lagu magacaabi jiray Marxuu Maxamed Yuusuf Aadam.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Eedaynaha lagu qabtay magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale kaddib dabagal iyo raadceyn Ciidanku ku daba-jiray tan iyo maalintii uu dilka geystay oo ku taariikhaysnayd 1-kii May, 2023.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu uga mahad-celiyey Shacabka Somaliland wada-shaqaynta iyo gacan-siinta ay ciidanka Qaranka la garab-taagan yihiin.

Advertisement

“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan,” Sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka Ciidanka Boolisku soo saaray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On