Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku dhigay Gacan-ku-dhiigle Dil Ka Geystay Hargeys

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gacan ku-dhiigle Jimcihii shalay Qudha ka jaray Ilme Yar oo la sheegay inuu Waalid u yahay.

Ciidanka Boolisku waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen gacan-ku-dhiigle Siciid Ismaciil Xasan oo ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xasan oo 2 jir ah.

Falka Dilka ah ayaa ka dhacay Degmada Gacan Libaax, gaar ahaan Xaafadda Sheekh Nuur oo ku taalla cidhifka Woqooyi-Bari ee magaalada Hargeysa.

Sida ay sheegeen Ciidanka Booliska ee Somaliland, eedeysanaha ayaa dilka gabadha yar u istacmaalay Mindi uu ku gawracay.

Ugu dambayntii, Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa uga mahad-celiyey Shacabka Somaliland sida ay wada-shaqaynta ula leeyihiin ciidammada ammaanka isla markaana ay xogaha ula wadaagaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net