Ciidanka Booliska Somaliland oo Digniin ka soo saaray Badeecad Khatar Ku Ah Amniga Dalka

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bulshada ku nool Caasimadda iyo magaalooiyinka waaweyn ee dalka ka codsaday inay ku soo wargeliyaan dhacdooyin halis gelin kara ammaanka oo maalmihii u dambeeyey ku soo badanayey magaalooyinka.

War Kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska, ayaa ka digay Isticmaalka Qaraxyada macmalka ah ee Baaruudda (Rashka) oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey in lagu qarxiyo goobaha ay dadku isugu yimaaddaan, kaas oo khatar ku ah nabadgelyada maadaama lagu gudo-jiro maalmaha diyaar-garowga Ciidal-Fidriga.

Qoraal Digniin ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, ayaa u qornaa sidan:- “Taliska Ciidanka Booliska JSL, waxa uu ka digayaa dad dhawaanahan caadaystay inay qarxiyaan Rashka kuna tuuraan Suuqyada, Masaajiddada iyo goobaha dadku ku badan yihiin, taasi oo nabadgalyada wax u dhimi karta xilligan lagu jiro u diyaar-garawga maalmaha Ciidda.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu bulshada ugu baaqayaa inay ka waantoobaan waxyabahaasi amniga khalkhal gelinaaya, qofka lagu qabtana waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan. Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa inay nala soo wadagaan haddii ay arkaan dadka falalkaasi wada.” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraal kooban oo Taliska Ciidanka Boolisku ku baahiyey Facebook.

Rashka oo ka samaysan Baaruud marka dabka la Qabadsiiyo sameeya Qarax, ayaa ka mid ah badeecad ay ganacsadu dibadda ka keenaan xilliyada Ciidaha, waxaana isticmaala dhalinyarada Ciyaal-xaafadka ah.

Dhawaaqa ka dhasha qaraxa baaruudda Rashka ayaa u eg dhawaaqa rasaasta oo aan laga garan, taasoo oo sababi karta khal-khal nabadgelyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net