Ciidammada Talyaaniga oo Badbaadiyey 52 Tahriibe oo Dooni la geddoontay iyo 50 kale oo la’yahay

Rome (SLpost)- Ciidammada Badda ee dawladda Talyaaniga, ayaa sameeyey hawlgal lagu badbaadiyey Konton iyo laba qof (52) oo Tahriibayaal ah oo Doon ay ku safrayeen kula geddoontay Badda Meditarraniyanka dhexdeeda, hase ahaatee, 50 ruux oo kale ayaan weli lahayn oo la baadi-goobayaa.

Qalabka Markabka ee dadka lagu badbaadiyo, ayaa gaadhay kala badh dadka saarnaa Doonta. Laba qof oo kale, ayaa Diyaarad Helikobtar ah lagu gaadhay ka dib markii la arkay, iyagoo Doontu la sabbaynayso. Waxaanay dadka la badbaadiyey sheegeen inay Boqol iyo laba qof ku saarnaayeen Doontaas la geddoontay.

TAHRIIBAYAAL LAGU BADBAADIYEY TALYAANIGA (1)Geesta kale, Tahriibayaal badan oo ka haajiraya waddamada Qaaradda Afrika iyo dalalka Carabta qaarkood, gaar ahaan Suuriya iyo Masar, ayaa si is-daba-joog ah u gaadhaya Jasiiradda Gariigga ee Kos. Salaasadii toddobaadkan rabshado ayaa dhacay, ka dib markii ay Booliisku xoog u isticmaalay si uu u dejiyo dad Tahriibayaal ah oo cadhaysan oo lagala daahay in laga diiwaangeliyo Jasiiradda Kos si ay uga sii gudbaan. Jasiiradda oo caan ku ah Dalxiisayaasha, waxay qaadi la’dahay 7000 oo qof oo yimid Bishii July, waxaanay seexanayeen Jidadka iyo Xeebaha agtooda xaalad aad u xun.

Duqa magaalada Kos Giorgos Kiritsis, ayaa ka digay inay xaaladdu faraha ka baxdo, “Haaladda ay faraha ka baxday. Waxay qatar ugu jirtaa in uu dhiig daato.” Hay’adda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ugu yaraan 124,000 Tahriibayaal iyo Qaxoonti ay soo gaadheen Gariiga sannadkan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga, ayaa ku qiyaasaysa in ka badan 100, 000 oo Tahriibayaal iyo Qaxoonti inay isku dayeen inay yimaaddaan Talyaaniga sannadkan. Ciidammada Badda ee Talyaaniga ayaa xidhiidhay hawl lagu badbaadinayey 1,700 oo qof oo saarnaa toddobo Doonyood oo Salaasadii toddobaadkan gaadhay Jasiiraddaas.

Somalilandpost.net

somalilandpost @ live.com