Ciidammada Soomaaliya oo Muqdisho ku dhex toogtay Wiil iyo Gabadh walaalo ah

Muqdisho (Slpost)- Ciidammada dowladda ee Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay wiil iyo gabadh walaalo ah kaddib markii ay rasaas ku fureen Bajaaj ay labda marxuum saarnaayeen.

Falkan oo ka dhacay Isgoyska Dabka oo ah bar-kaantarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, waxa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowda Maxamuud Kalafoge oo wada-dhashay.

Lama oga sababta ay ciidammadu rasaasta ugu fureen mootada ay saarnaayeen wiilka iyo gabadha walaalaha ah, balse waxa dabeecad ay dhaqan u leeyihiin ciidamada ammaanka ee Muqdisho oo inta badan suuqyada magaalada ku fura rasaas macno-darro ah xilliyada ay jidadku cidhiidhiga yihiin.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho, Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askartii rasaasta furtay iyo sababta falkan ku kalliftay, waxaanay wararku sheegayaan in askartaasi wax yar kaddib goobta shilku ka dhacay kaga tagay baabuurkii ay wateen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net