Ciidammada Ethiopia oo Qirtay inay soo rideen Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo ku burburtay Soomaaliya

Nooca diyaaradda la soo riday oo ay lahayd African Express

 

Nairobi (SLpost)- Ciidammada Dawladda Federaalka Itoobiya ka jooga Dalka Soomaalya ee qaybta ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM , ayaa qirtay inay soo rideen diyaarad Toddobaadkii hore ku dhacday degmada Bardaale ee dalka Soomaaliya.

Nooca diyaaradda la soo riday oo ay lahayd African Express

Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda African Express oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxa ku dhintay Lix Qof oo laba ka mid ahi Soomaali ahaayeen, waxayna Deegaanka Bardaale u sidday Agab Caafimaad oo ay ku jiraan waxyaabaha lagaga hor-tago Xanuunka Covid-19.

Advertisement

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, war-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen Ciidammada Itoobiya, kuwaasi oo ka shakiyey in diyaaraddu tahay mid isku miidaaminaysa Saldhiggooda Baadheere, sidaasi darteedna ay u toogteen.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddu intii aan la toogan aan laga haynin wax macluumaad ah oo sheegaya inay ku soo waajahan tahay Bardaale, taasina tahay sababta keentay cabsida in Ciidammada oo falal Argagixso ka baqayaa Toogtaan.

“Diyaaradda waxa toogtay Ciidammadayada…” ayay sheegeen Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM, waxayna ku sababeeyeen inay uga shakiyeen inay Saldhiggooda isku miidaaminayso.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Embraer 120/5Y-AXO oo ay Far-samaysay shirkadda Embraer oo dalka Brazil laga leeyahay, waxay ahayd diyaaradaha Xamuulka Qaada oo ay iska leedahay shirkadda African Express.

AMISOM ayaa sheegtay in Burburka diyaaradda laga soo saaray Meydadka saddex Qof oo Kenyaan ah iyo laba Soomaali.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On