Ciidammada Booliska oo Faahfaahiyey Sababta Xadhigga Siyaasi Ramaax iyo Eedaymo loo Haysto

 

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ka dambaysa Xadhigga Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo maanta Xabsiga loo taxaabay.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga UCID, ayaa ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin waxa sida uu warbaahinta u sheegay looga yeedhay xarunta ciidanka Dambi-baadhista oo ku war-gelisay in kiis-dacwadeed ka dhan ahi soo gaadhay sidaa awgeedna uu yimaaddo, isaguna uu sidaas ku oggolaaday kuna tagay xafiiska looga yeedhay.

Taliyaha Laanta Dambi-baadhista ee Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax uu ciidanka Booliska u soo gudbiyey dacwad ka dhan ah siyaasi Ramaax oo uu ku eedeeyey inuu hadallo af-lagaaddo ah iyo been-abuur ah ka sheegay, kuwaas oo sida taliyuhu sheegay ka mid yihiin eedayn Mr Ramaax uu guddoomiye Baashe ugu jeediyey inuu xidhiidh la leeyahay wax uu ku tilmaamay shaqsiyaad iyo dad cadow ku ah Qaranimada Somaliland.

Haddaba Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Taliye Faysal Xiis ku faahfaahiyey sababta xadhigga Maxamuud Cali Saleebaan