Ciidamada Turkiga Oo Duqeeyay Aagaga Ay Suuriya Ka Qabsadeen Jabhada Kurdidu

Siiriya(SLpost)-Ciidamada Turkiga ayaa duqeyn xooggan u geystey jamhadda Kuridida Siiriya ee YPG, maalinti labaad. Turkiga ayaa doonaya in Jamhaddu banayso oo ka baxdo dhulka ay qabsatey ee Waqooyiga Xalab (Aleppo).

madaafiicda-turkiga

Turiga ayaa goobaha Kurdidu qabsadeen ku garaacey madaafiic xooggan. Goobaha la garaacay waxaa ka mid ah garoon diyaaradeed oo ku yaala Waqooyiga Xalab. Maalintii shalay ee Sabtida ayaa sidaan oo kale Turkigu madaafiicd xooggan ku duqeeyeen goobaha ay Kurdidu ka joogaan waqooyiga Xalab oo ku dhaw xuduudka Turkiga.

Turkiga ayaa u arka jamhada YPG mid argagixiso ah oo aan waxba uga duwaneyn Daacish, inkasta oo dalal ka mid ah NATO ay wada shaqeyn la leeyihiin YPG.