Ciidamada Talyaaniga Oo Samatabixiyay 2200 oo Muhaajiriin Ah Maalin Kali ah

 

Hargeysa(SLpost)-Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Taliyaaniga waxa ay sheegayaan inay ka shaqeynayaa samata bixinta in kabadan 2200 oo qof oo ka gudbaya badda Mediterranean ka.

150622080419_migrant-med_512x288_

Dadkan tahriibayaasha ah ee ka safray dalka Libya waxa ay saran yihiin in kabadan 20 doomo yaryar oo ah nooca la buufiyo. Laba doon oo alwaax ka sameysay ayaa sidoo kale laga dejiyay dad qiyaas ahaan gaaraya 507 qof, iyo 432 qof.

Waxaa howlaha samata bixinta ka qeybgalaya qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub, sida Norway. Kabtan la socda Markab ay Norway leedahay oo howlgalka ka qeybgalaya, Lise Dunham ayaa sheegaysa in Markabkeeda uu badbaadiyay kala bar ka mid ah tahriibayaasha.

Doomo badan oo dhibaatada marqura kawada qeybgalaya waxa ay ka dhigtay in tiradii ugu ballaarneyd maalin qura lagu badbaadiyo howlaha badda Mediterranean.In kabadan 900 oo dadkan ka mid ah waxaa laga dejiyay laba doon oo ku ku sigtay inay quusaan markii ay ka dhaqaaqeen Libiya. Xalay oo dhan ayeyna maraakiibtan wadeen badbaadinta.

Qiyaastii 264,500 oo qof ayaa Badda ka gudbay sanadkan oo keli ah, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay. Ku dhowaad 104,000 oo ka mid ah waxay ka galeen Taliyaaniga. 160,000 oo kalena waxa ay gaareen dalka Giriigga.

Dalal ka qaar ee Yurub ayaa waxa ay la daalaa dhacayaa dadka megengelyo doonka ah. Dhanka dalka Macedonia, booliska dalkaasi waxa ay ku dadaalayaa inay ka hortagaan boqollaal qof oo muhaajiriin ah oo ka ambabaxay dalka Giriigga.

Iyadoo dadka qaar ay isku deyayaan inay xoog ku galaay dalkaasi ayaa Booliska waxa ay u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa si xaaladda kacsan ay uga hortagaan.